Ali iyo Awrala

Howlihii Sahanka & Udiyaargarowgii filimka

Filimkan jacaylka ah waxay ka timid kana soo maaxatay maskaxdii Cabdimalik C. Isxaaq oo ah saxafi TV-yeed soomaliyeed oo dhallin yara kuna nool Yurub, qaasatan dalka Denmark. Cabdimalik waa maamulaha guud ee TV-ga soomaaliyeed ee caanka ah ee online-ka loona yaqaano SOMTV.

Cabdimalik Cawil Isxaaq
Abdimalik Awil Isak

Cabdimalik mu'ailif-nimada filimkan iyo isku soo dubardkiisi ka hor, wuxuu Cabdimalik suubiyey sahmis & baaritano dhaadheer oo muhiim u ahaa hirgelinta & suubinta filimkan isaga ah.

Si filimkan u noqdo mid ka tarjumaya ulajeedadii saxda ahayd ee filimkan laga laha loona suubiyey, uuna soo tabiyo sawirka saxda ah ee bulshadeena & dalka loogu talagalay inuu matalo filimkan ayaa soosaaraha filmkan Cabdimalik bilowgii doonayey in filimkan lagu suubiyo dalkeeni hooyo ama Soomaliya. Ayaan darro daruufo xagga amaanka ee ka jiray dalka xillligaas awgeed waa aay inoo suurtoobi weysay inaanu sidaa yeelno. Dhinca kale markii aan ka eegnay baa'ba iyo darxumada & baaba'a uu dalka ku jiray ee dagaaladii sokeeye keeneen awgeed way nala haboonaan weyday in aan halkaa gaarno. Sidaa darteed markii meel kasta oo wadankii ah oo aanu ku fakarno isasoo xirtay duruufo badan oo jiray awgeed waxaanu ku qasbanaanay inaanu meelo kale oo ku haboon dalkeeni iyo ciideeni u dhow ama matali karta ama u eg aanu raadsano. Arrintani waxaay dhalisay in bishii Sebtember eer sandkii 2005kii uu mu'alifka iyo direktorka filimkan Cabdimalik uu bilaabo safar sahmis ah oo ku raadinayo meeshii (dalkii) u doori lahaa suubinta filimka. Cabdimalik wuxuu safaro kukala baxshay wadamo kala gedisan oo ku yaala bariga Arfika. Isku soo duudoobo, Cabdimalik wuxuu ka helay markii uu tagay xeebta Mombasa oo islamarkii uu halkaa gaaray maankiisi ku soo maxdeen xasuus & quruxdii Xamar. Wuxuu ogaaday in Mombasa aay tahay magaalo cajaa'iba oo si kastaba laga garanaynin magaaladeeni weynayd ee Xamar ama Muqdisho.

Howlihii duubitaanka filimka

Wiigii kowaad ee bishii Abriil sanadkii 2006, ayaa dad gaaraya 25 qofood oo isugu jira rag iyo dumar isugu jira aay yimaadeen magaalada Mombasa iyo hoygii loogu talagalay oo ahaa guri aad uweynaa oo 2 dabaq ka koobnaa xeebtana saarnaa. Halkaas oo gurina gabdhaha degeen gurina wiilasha. Dadkan ayagi ahi waxay isugu jireen jilaayaashii, fanaaniin, filim-duubayaal, soosaarayaashii iyo farsamayaqaanadii filimka ayagoo qolo waliba wateen qalabkoodi. Isla markii aay yimaadeen waxa aay qolo waliba bilaabeen howshoodii.

Waxaa howshii filim-duubista kusoo gaba-gabowday muddo seddex wiig le'ekaa oo la dhihi karo waxaay udhigantaa seddex billod marka loo fiirsho waxa la qabtay intii halkaa iyo Mombasa la joogay iyo labo wiig oo kale oo dhamaystir u badnaa oo iyana lagu suubiyey magaalada Nairobi ee casimda ah

..ugu dambayntii

Dhamaystirka guusha leh ee filimkan waa howshii iyo dadaalkii sida wadajirka leh aay isaga kaashadeen Shirkada soosaarista aflaamta ee SOMTV Productions & Xiin Faniin Media. Waxaa kaloo filimkan Cali & Cawrala gacan weyn ka geystay heeso badana ku soo biiriyey fanaanka weyn ee caanka ah ee Cabdirizaaq loo yaqaano Ina-Dalmar. Shirkada SOMTV productions oo iyana qayb lixaad leh ka qaadatay xaga kobcinta tayada jilayaasha, maalgelinta, duubista filimka, jarjarista & hagaajinta & soosaarista filmkan. Shirkadan oo horey soomalidu uga baratay filimo dokumentari iyo barnaamijyo TV oo badan. Sidaa awgeed natiijada filimka ayaa cadeyneysa dadaalka & is-xilqaamidii sida profeshinalka ku dheehnayd ee qof waliba oo howshan ka qayb qaadatay uu soo bandhigay in alla intii lagu guda jiray howlihii filinkam, waayo dadkani waxaay si aan daalba lahayn aay had iyo goraale mudo dhan 5v wiig ugu jireen sidii uu filimkani uu noqon lahaa mid guul ku dhamaaday, runtiina waaba uu noqdayba!.

Waxaan shaki ku jirin howshaan cajaa'ibka leh ee aay sida wacan ee dhallinyaro fanaaniin ah oo hibo u leh howlahaan aay hawshaan umadda u qabteen. Runtiina umada soomaaliyeed waa ka marag kici doonta in fillimkan uu yahay mid sida dhambaal culus xasuus gaarana maankooda ku reebi doona, taasoo sahleysa in filimkan uu kor u qaadi doono kobcinta iyo tayo gelinta fanka soomaliyeed xagga caalamka.