Maxabaddu maxey tahay
tallow muran dhamaan waaye?
Ma mubaayac iyo iib
ayaa maxaba laaluusha
Mase dareenka maanka
iyo madaxa saameeya?
Ma maal ba fara ruux
inuu maral jaceel qaado
Mase dooq macnawi baa
xubiga maanka taabsiiya?
Ma masduuq runti shey jiroo
maasax galayaabo
Mase waa ma’aluf iyo
majire been la maamuusay?
Ma majnuunnima ruux
inuu maxabo eedaamu
Mase macquul maangaloo
murun la’aaneed ah?
Ma xanuun mindiil haysta
oo uurka muudayaaba?
Mase waa manfaco iyo
macaash beer lagu miiro?
Maxabaddu maxey tahay
tallow muran dhaman waaye?
Mas’alooyinkaan idil
waxaa marin jawaabtooda
FILM maalmahaan so baxooy
maahiriin duubtay
Oo mawjada SOMTV
laga madruuxaayo
Oy dhigeen maqaawiir
fankiiyo wiilal mudan faalo
Magaciisa uu yahay CALI
iyo Cawrala Malyuune
Markaad daawataan baad
koley heli macaankiye
Waa sheeko madadaalo
iyo maawilaadeysan
Mireheeda uu qoray
cimlaaq maahiro dhaansan
Cabdimaalik baa mudan
amaan meel kasto jooga
Mir abuur gadasheed
waaka meeri oo duubay
Dhalin yare macruuftaa
jishoo miid ka soosarteye
Muusiga waxaa tumay
kuwaan laba masuugeyne
Maqaawirta Waayaha Cusuboo
maansa loo daaye
Fanaanin murtida beesha
naaga malab kayeeleysa.
Maqla oo dadow daawda
waa mahad Illaheeye.
----------------
This poem was contributed to the film Ali & Awrala by Abdirashid Alkhalidy -A mulitilingual poet and writer based in Mombasa, Kenya.
|