Ali iyo Awrala

 

Jiliayaasha Filimka

Kuwoodi ugu muhiimsanaa

Guusha weyn ee hirgelinta & suubintii filimkan 'Cali & Cawrala' waxaa la aron karaa waxaa ka dambeeyey jilayaal cajiiba oo runtii ay ahayd markoodi koowaad ee xagga jillista aflaamta. Waxayna howshoodi uga soo baxeen si hufan oo amaanna leh lana oran karo runtii xagga jilista waa ay u jajaban yihiin oo waa wax Eebe uu dhallinyaradan ku hibaystay.

Halkan hoose waxaanu si kooban uga hadlaynaynaa shantii qof ama jilayaal ee ugu muhiimsanayd filimkan anagoo ka soo qaadanaynaa magacyadooda saxda ah, doorka aay filimka ka cayaarayeen & guud ahaanba bandhig jileedkoodi guud & sida aay uga soo baxeen howshii loo dhiibay.

Malyuun Osman Farah "Cawrala"


Malyuun

Udiyaargaroowgii filimkan, kaltankii xagga atariishada waxaa ka soo qayb galay tartamayaal badan oo runtii tayadooda xagga jilista aay aad u sareysay balse nasiib waxa u heshay oo ku guleystay gabadhan dhallinta yar ee Malyuun Cusmaan si aay u matasho qaybta filimka ee 'Cawrala'. Jilista ka sakoow waxa Malyuun Illaaheey ku maneystay qurux xag jismi iyo muqaalba - taasna weeye waxyaalihii u sahashay inaay ku guuleysato kaallinta jilista 'Cawrala' (the main actress). Malyuun waa gabar aad u caqli badan, daacada, firfircoon, soo jidaso leh haddana bulshaawi ah. Inkasta Malyuun aay ahayd markeedi kowaad ee xagga jilista aflaamta, haddana durba waxaa laga arkayey in aay hibo uleedahay xagga jilista, si wacana uga soo baxday doorkeedi xagga atariishada filimka. Malyuun waxaay iminka ku nooshahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Maxamed-Khadar D Hirmoge "Cali"


Maxamed Khadar

Dhinaca kale Maxamed Khadar wuxuu noqday qofkii ku guleystay tartankii jilaha 1aad (the main actor). Maxamed Khadar wuxuu tusay karti dheeraad iyo inuu yahay kan kaliya ee ku haboon doorkaas bannaan ee 'Cali' -ninkii faqiirka ahaa ee ka soo jeeday beelaha soomaliyeed ee la hayb sooco- runtiina Maxamed Khadar si fiican ayuu uga soo baxay kaalinkaas ugana guuleystay jilayaal kale oo badan oo runtii kuligood tayadooda jillaa aay aad u sareysay. Tayo-jilitaamedka wanaagsan Cali waxaa usii dheeraa asagoo ah nin dhalinyaro qurxoon soo jiidaso fiicana leh xag jismi iyo xag kaleetaba.

Maxamed Khadar wuxuu filimka ku jilayaa "Cali" oo ah nin faqiira oo ka soo jeedda beelaha soomaliyeed ee lahayb sooco, asagoo kii jacayl ahaa kula dhacay gabadhan yar ee Cawrala oo ka soo jeeda qoys iska ladan aabaheedna yahay nin qabiiku ku weyn yahay quursadana qabiilooyinka kale. Maxamed intii aay socotay jilitaan praktiseedkii (rehearsal) wuxuu tusay tayo jilitaanimo oo sareysa oo maqsuudisay soosaarayaasha filimkan. Waxaa la dhihi karaa Maxamed Khadar xirfadiisa jilitaanimo wuxuu ka soo jeeda iskuul masrixiyaad uu dhigan jiraya kolkii uu yaraa. Waa nin si dhib la'aana kaga bixi kara door kasta oo loo dhiibo. Maxamed Khadar wuxuu dhiganayey dugisi sare markii uu isaga tagay iskuulka. Maxamed Khadar hadda wuxuu deggen yahay Nairobi, Kenya wuxuuna doonayaa inuu bilaabo waxbarasho tacliin sare.

Axmed N. Maxamed "Liibaan"


Axmed

Axmed waa jilaa kale (actor) lehna tayo jilitaan sare una sahashay inuu tartan ahaan ku guleysto kaalin (door) muhiima oo filimku ku salesnaa. Axmed wuxuu si xirfadi ku jirto tusay in uu ka bixi karo doorkaas muhiimka ee loo cayimay. Hase ahaate Axmed caadi ahaan wuu ka duwan yahay sifahaas iyo shaqsiga uu ku matalayo filimka oo caaadiyan waa nin bashaasha, farxaana aadna ufurfuran. Dhamaana jilyaashii filmka iyo farsamayaqaanadii ku howlanaa filimkani waa ay jeclaayeen Axmed waayo wuxuu ku caan ahaa kaftan badan iyo nin loo xiiso sheekadiisa. Axmed wuxuu degan yahay NAirobi Kenya.

Maxamed A. Jama Rabiina


Maxamed Rabina

Maxamed C. Jamac oo ku magac dheer Maxamed Rabiina wuxuu filimkan ku matalayaa magaca Xaaji Raage, waana aabaha qoyska filimkani ku saabsan yahay. Doorka uu maxamed ku matalayey wuxuu ahaa door runtii aad u mihiim ahaa, Maxamedna si cajiib leh oo sareysa ayuu doorkan aabanimada uga soo baxay. Maxamed wuxuu filimka ku matalayaa nin xaasida aadna u kulul dadkana dila balse xaqiiqdu waxay tahay inuu sidiisa kale shaqsi ahaan uu yahay nin deggen, edeb badan furfuran qof waliba jecel yahay dabeecadiisa.

Farxiya I. Xamud


Farxiyo 'Hooyo'

Farxiya waxaay filimka ku matalaysay doorka ah 'hooyo' qoftii reerka iyo guriga kala waday. Farxiya waa jilaa weyn si sahalna ula qabsatay doorkeeda aay ku lahayd filimka. Runtii guriga Mombasa ee la deggenaa intii duubitaanka filimka socday waxaay Farxiyo qaadatay oo loogu yeeri jirey naaneesta ah 'Hooyo'. Farxiyo oo runtii caadi ahaan ah qod deggen, naxariis badan ayaa misna filmka ku mataleysay isla sidaas oo ahayd hooyo deggen naxariis badan taasi oo usahashay in aay howsheedi si dhib la'aan ku gudato. Farxiyo waxaay noqotay qofkii ugu dhibka yaraa, macnaha dhib badan kala kulmin in alla intii duubista filimka lagu guda jiray.

Jilayaasha kale

Shanta qof ee kore oo kaliya ma wadine filmkan 'Cali & Cawrala' ee waxaa jira oo kale jilayaal kale oo runtii matalayey doorar kalagedisan oo aad u mahiim ahaa. Jilaa kasta oo halkan lagu soo magacaabin wuxuu si isku mid ah ula siman yahay/tahay jilayaashas kale ee aanu kor kusoo qeexnay waxayna hayeen doorar muhiima oo lagama-maarmaan u ahaa filimkan. Cid walba oo door ka qaadatay filimkan waxaay si karti leh uga soo baxday howlo cuslaa oo adkaa si cajiib leh oo lama ilaawaan ah ayagoo maanka ku hayey sidii hawlahaan guul looga soo hoyn lahaa. Runtiina waay suubiyeen oo guul ayaa laga soo hooyey taasi.

U baratankoodii howshii na hortaalay, shaqadoodii hufnayd, dadaalkoodi dheeraadka ahaa & dhibka aay usoo sabreen kana soo najexeen waxa ay runtii la dhihi karaa waxa ay keentay in waxaasi oo dhan ay kuwa miro dhal ah noqdaan. Jilayaashaan ayagoo ku cusub caalamkan filim jilista haddana waxaa la dhihi karaa kartidooda xagga bandhig masrixiyaad iyo jilisba waxay noqdeen kuwa la dhihi karo runtii waxa aay suubiyeen dadaal ka badan intii laga filaayey, waxayna dhallintan si qiiro leh si cajiib leh u qabteen ugana soo baxeen howl kasta oo loo diro, si tayo sare leh. Runtiina waxay ahayd wax wanaagsan oo lagu farxo.