Filimkan Cali & Cawrala wuxuu ku salaysan yahay qiso jacayl dhexmartay laba dhallinyaro oo ka kala yimid dabaqada kala gedisan. Cali oo ah ninka filimkan ku socda waa nin sabool ah waxna isku furran kana soo jeeda qoys dadka somalidu hayb soocdo, faqrinimaduna si xun u haleeshay, halka Cawrala oo ah gabadha Cali is-jecel yihiin iyana aay ka soo jeedo qoys dhaqaale leh iskana ladan.
Cawrala aabaheed Xaaji Raage waa nin Illaah dhaqaale siiyey, han weyn. kibiraani ah oo qabku iyo quursigu ku weyn yahay. Waa nin qabyaaladu dilootay, qabiil kasta oo jira fikrad xun ka haysta hoosna u fiiriya. Waalid ahaan waa nin ad-adag dhibna uu ka haysto sidii afkaartiisu & fikirkisu fakirkiisu samyn ugu yeelan lahayd xubnaha kale ee gurigiisa. Waa nin is mooda inuu dadka kale wax dheer yahay, hadaladiisa dadka kala gaban wuxuu rabana ku hadla marna looga fadhinin ama laga sugahaynin inuu debcigaasi badalo.
Hadaba waxaay sheekadku cirka isku shareereysaa goortii Xaaje Raage uu ogaaday warka suuqa la isla dhexmarayo ee ah sheekada jaceylka ee dhexmareysa gabadhiisi oo loo soo tebiyey nin aay la socoto nin "Midgaan" ah ama ka soo jeeda beelaha soomaliyeed ee lahayb sooco. Waaba Xaaji Raagihii la ogaa oo haddana gabashiisi nin "midgaani" ahi doonayo gabadhiisi! Waa la yaabay!
Cawrala ayaa iyaduna muujisay geesino!. Waxay dab & biyo umartay, geed gaaban & geed dheer-na ugu fuushay sidii ay uhanan lahayd wiilka ay nafteedu calmatay ee uu jacaylku jiif iyo joogba u diiday.
Cali oo la oran karo waa wiil ay soddoh kastayi ku riyooto – baarinimadiisa, dabacsanaantiisa, kartidiisa & dhago nugaylkiisa ayaa isna naftiisa iyo tan qoyskiisaba halis (risk) ugu galaya Cawrala darteed.
Oday Xaaji Raage ayaa u’adeegsanaya curyaaminta & jilaafaynta jacaylka Cali & Cawrala walaalkeed & ina-adeerkeed, kuwaas oo xarrigii ay xiraanba kadaba furaya!.
Naf-la-caarinimo darteed ayaa ugu danbayntii Xaaji Rage isku dayayaa in qasab ugu guuriyo ina-adeerkeed Liban oo ah wiil Playboy ah, haystana dhaqaale tumashana u googa'ay.
Hadaba su'aashu waxay tahay jacaylka Cawrala mlacag ma lagu gadan karaa? Xaaji Raagese & naaquudayaashiisa maku guulaysan doonaan curyaaminta Jacaylka Ali & Awrala?
Haddaba aqristoow qisadan cajiibka leh ha moogaanin hana ka maqnaanin. Filimkaan waxaa la keenayaa magaalo kasta oo soomalidu ka badan tahay ee yurub, ameerika & carbahaba.
Haddaba ka wardoon soona daawo halkii aay ku dambeysay qisadan cajiibka leh ee Cali & Cawralo. |